Nin nalashadiisu tahay Ciraaqi ayaa sabab u noqday in dib loo dhigo diyaarad ka kacday Dalka Austarlia gaar ahaan Viena kadib markii loo maleeyay in Taleefankiisa qeybta fariimaha lagu arkay fariin xanbaarsan arrimo argagixiso.
Diyaarada Loo yaqaan easyJet oo duulimaadkeedu ahaa Vienna Ilaa iyo Gatwick ee London ayaa si deg deg ah lagu soo celiyay garoonkii ay ka kacday, kadib markii qof dumar ah ay u sheegtay maamulka Diyaaradaasi in ay aragtay fariin usoo dhacday ninkaasi oo xinbaarsaneyd arrimo mayal adag oo ku saabsan argagixiso, isla markaana ay usoo direyn Dowladda Islaamiyiinta Ciraaq ee loo yaqaan ISS
Dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradaasi ayaa laga soo daadgureeyay, waxaana baaritaano adag loogu dhaqaaqay dhamaan boorsooyinkii saarnaa diyaaradaasi.
Si waliba ha ahaatee diyaaradii ayaa waxaa ay kacday 3 saac kadib markii baaritaanada ay dhamaadeyn, waxaana su’aalo adag la waydiiyay qofkii dumarka aheyd iyo Ninkiiba, waxaase xaalada kusoo dhamaatay in ninkii lasii daayo waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Ugu danbeyntii waaxda barista ku haysay dhacdadaasi ma aysan cadeyn dhalashada qofkaasi dumarka aheyd. Afhayeen u hadashay shirkadda easyJet ayaa sheegtay in duulimaadka diyaaradaasi la soo hubiyay inta aysan kasoo kicin dalka Asutarlia.