Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay in Maamulkiisa uu ka feejigan yahay Weeraro Al-shabaab ay ku soo qaadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Ee xarunta u ah Gobolka Baay.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu adkeeyay Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo si aan Weeraro Argagixiso loogu soo qaadin.
Shariif xasan ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu Booqday Xarunta Waaxda Socdaalka Koofur Galbeed,asagoo ay waliheliyaan Mas’uuliyiin uu ku jiro Taliyaha Booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Al-shabaab ayaa Weeraro ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne iyo Diyaaradda Daallo oo ay saareen