Xiisad Colaadeed ay ka taagan Magaalada B/weyne kadib markii sida la sheegay ay soo buux dhaafiyeen xaafadaha magaalada Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka yimid gudaha iyo Daafaha Magaaladaasi.
Cismaan Max’ud Sharaawi oo ka mid ah waxgaradka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal culus in uu ka qarxo waxaana uu Nabadoonku tilmaamay in maleeshiyo beeleedkani muddooyinkii dambe ay isku hub aruursanayeen islamarkaana ay ka dhex aloosneed Xurguf xoogan.
Nabadoon Cismaan Maxamuud ayaa xusay in in goobihii ganacsiga iyo isku socodkii iyo welib dhaq dhaqaaqyadii gaadiidka iyo dadweynaha ay hakad galeen Xaafada Howlwadaag ee Magaalada B/weyne.
Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa isku dayaya in ay kala dhex galaan Maleeshiyadaasi xurguftu u dhexeyso sida Nabadoon Cismaan Maxamuud uu xaqiijiyay.
Wixii Ku Soo Kordha Halkan Kala Soco Insha Allah
Muurinews.com–B/weyn
Xulka Wararka Oo Dhan