Fannaanka caanka ah Axmed Cali Cigaal iyo fannaaniinta Minisota ayaa waxaa aay ka qaadeen hees looga magac daray “Waa Tume Beesha Caalamka” Xaflad soo dhaweyn ah oo Cabdiwali Gaas loogu sameeyay gobolka Minisota ee dalka Mareykanka.
Heestan oo xanbaarsan erayo lagu xasuusinayo bulshada Soomaaliyeed in Beesha Caalamka aay tahay kuwii kala qeybiyay Soomaaliya, isla markaana gumeystay.
Miraha heesta ayaa waxaa ka mid ah “Horta aan is baranee beesha caalam waa tuma? Gumeystihii ba’naayee beri hore nasoo maray. kuwii buugta laga qoray beesha caalamka weeyaan, sow bar naga mid ah Itoobiya ku biirshoo NFD bixiyoo Jabuutina bannaan dhigay” Waa kuwii Baqdaad iyo Liibiya bambeeyoo, berriga carabta badankiisa barikiciyay weeyaan”
Heestan ayaa waxaa hoggaamiyaha Puntland uu ku amray qaban qaabiyayaashii xafladda in laga saaro cajalada. Arrintan oo aad uga careeysiisay dadbadan waxa ku qasbay in Cabdiwali Gaas uu diido hees xanbaarsan dhanbaal wadaniyad iyo xusuusin shacabka in beesha caalamka aay beri nasoo gumeysteen.
Cabdiwali Gaas ma waxaa u metalaa beesha caalamka mise waa hoggaamiy gobol ka mid ah midowga Soomaaliya?