Wararka naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in shir gaar ah ay maanta leeyihiin wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamulka Puntland.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii Puntland loogu qancin lahaa in isbadalka Soomaaliya ee sanadkaan 2016-ka ay qayb ka noqdaan, xili Puntland ay diidantahay arimaha haatan ay isky raaceen dowlada iyo beesha caalamka..
Puntlanda ayaa aad u diidan in nidaamka 4.5 mar kale Soomaalidu ay wax ku qaybsato ayadoo sidoo kale haatan leesku raacay in aqalka baarlamaanka lagu soo xulo qaabkaas qabaa’il ah.
Beesha caalamka ayaa Puntland culees badan ku saaraysa inay ogolaato arintaan, laakiin masuuliyiinta Puntland ayaa ku adkaysanaya inay ka soo horjeedaan aqbalaada nidaamkaan ay soomaalidu wax ku qaybsato.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa madaxtooyada Puntland ugu yeeray madaxweynihii hore ee Puntland Cabdirixmaan Faroole waxaan ay ka arinsanayaan talaabadii ay ka qaadan lahaayeen cadaadiska beesha caalamka.
Waxaan la ogayn go’aan ay qaadan doondoonaan madaxda maamulka Puntland xili dowlada federaalka iyo beesha caalamka ay dadaal badan haatan ugu jiraan sidii Puntland ay ugu qancin lahaayeen qorshahaan.
Muurinews.com–Garowe
Xulka Wararka Oo Dhan