Muqdisho, 30mars 2016 Waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed ayaa isugu yimid maanta shirwayne ay uga arrinsanayaan masiirka caasimada Dalka Soomaaliya Ee Muqdisho.
Waxgaradka kasoo qayb galay shirwaynaha waxay hoosta ay ka xariiqeen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso
Muqdisho waa caasimada ummada soomaaliyeed, waa astaan kamid ah astaamaha qaranka iyo midnimada ummada soomaaliyeed, waa xarunta hayadaha federaalka jamhuuriyada soomaaliyeed, waa fadhiga safaaradaha caalamka ee aan xiriirka diplomaasiyeed la leenahay, waa saldhiga hayadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka howl gala soomaaliya.
Muqdisho waa magaalo madaxda ka dhaxaysa dhamaan ummda soomaaliyeed, waxaana hanta maguuto ah iyo maalgashiba kuleh soomaali oo dhan, kaabayaasha waaweyn ee dhaqan dhaqaale ee kuyaala Muqdisho waa hanti qaran.
Qodobka 9aad ee dastuurka KMG ee jamhuuriyada federaalka soomaaliya wuxuu si cad uqeexayaa in Muqdisho yeelan doonto maqaam gaar ah, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona baarlamaanka federaalka soomaaliyeed.
Hadaba beelaha soomaaliyeed ee degan caasimada Muqdisho waxay soo jeedinaayaan qodobada soo socda:
1.In Beesha Hawiye ay ogaato in Beelaha Soomaliyeed waxba dheereen ee ay nabad kula noolaato ummada soomaaliyeed ee dagan caasimada, kana fogaato wax kasta oo dhaawici kara soo noolaynta sharafka iyo maqaamka caasimada.
2.In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si deg deg ah ugu dhaqaaqo dejinta sharciga Maqaamka Caasimada Muqdisho si loo dar dar geliyo dib u heshiisiinta ummada iyo federaalaynta dalka.
3.In dejinta sharciga maqaamka caasimada laga talo geliyo dhamaan bulshada soomaaliyeed.
4.In beelaha soomaaliyeed ee degan Muqdisho ay iska kaashadaan horumarinta,dib u dhiska,xasiloonida iyo soo celinta bilicda caasimada si hufana uga qeyb qaataan wada tashiyada la xiriira dejinta sharciga maqaamka caasimada si loo xaqiijiyo in ay helaan xuquuqooda oo taam ah.