Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Xafiis Cusub ka furatey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Munaasabada Furitaanka waxa ka qeeb Galey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Ee Koonfur galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed, iyo Wasiirka gargaarka Cabdullahi Muuse, Maamulka Degmada iyo Waxgaradka Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiir Madoobe Nuunow Maxamed oo Munaasabada ka hadley ayaa Sharxey Qorshaha wasaaradiisa ee Seddexda sano ee soo socota isagoona sidoo kale Xusey waxyaabhii u qabsoomey wasaaradiisa mudadii ay jirtey.