Waxaa maanta shir weyn oo ay soo qaban qabiyeen beelaha Abgaal iyo Murusade laguna qabtay Hoteel Xayaad ee magaalada Muqdisho ayaa siweyn looga soo hor jeeday shie ay shalay yeesheen odayaal isku sheegay in ay matalaan beelaha hawiyey kuna shegeen in Caasimada Gobolka Banaadir cid aan hawuya aheyn xaquuqdeeda sheegan karin
Kulanka maanta oo ay ka sooq eyb galeen odayaal dhaqanka siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Banaadir laguna casuumay beelaha kale ee Soomaliyeed ayaa halkaa looga dhawaqay in Gobolka Banaadir yahay caasimada Soomaliya beel gaarhana sheegan karin umada ka dhaxeyn doono maamulkeeda dhawaan loos ameynayo.
Kulanka oo leyskula jeexay jeexay ayaa leysla ogoladay in gobolka Banaadir loo sameeyo golo deegaan oo ka kooban dhamaan beelaha Soomaliyeed iyadoona golahaas ay ka soo dhex muuqan doonaanaan dhamaan beelaha Soomaliyeed.
Gobolkaan Banaadir waa mid xadaari ah beelna ma sheegan karto waayo hantidii iyo maskaxdii umada Soomaliyeed oo dhan baa taalo marka maqaadan karno in beel gaar ah sheegato ayaa halkaa lagu yiri waana soo dhaweyneynaa waxaana sheegeyna aaya alagu yiri in wada jirka Muqdisho ku qurux badneed waan arganaa 26sano ayaan hal beel joogtay wax aan dagaal iyo bur bur aheyna lagama dhaxlin.
Kualnka oo ahaa kii ugu balaaena aoo beelaha Soomaliyeed ku yeeshaan gobolka Banaadir ayaa meesha ka saari doono in beelaha Hawiyey takooraan beelaha kale ee Soomaliyeed.
Shirka maanta ay soo qaban qabiyeen beelaha Abgaal iyo Murusade ayaa leysku raacay in gobolka laheyn beel gaar ah Soomalida dhana ka dhaxeyo ayaa ku soo aadayo xili shalay odayaal sheegtay in yihiin golaha dhaqanka beelaha hawiyey kuna diideen in Muqdisho cid aan hawiyey aheyn maamulkeeda wax ku yeelan karo.
K