Warar ah hadda naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof naftiisa haligay uu qarax ismiidaamin ah ku dilay Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) iyo 6 ruux oo kale oo ilaaladiisii u badan.
Qaraxaan ismiidaaminta ah ayaa goordhawayd ka dhacay halka loo yaqaano Xero Daraawiish.
Qof goobjooge ah ayaa Muurinews.com u sheegay in goobta laga qaaday 8 ruux oo mayd ah iyo dhaawac fara badan.
Faah Faahin Dheeri ah Goordhow Naga fillo In shaa Allah