Saraakiisha Amniga Gobolka Mudug ayaa ka hadlay Qaraxii Saaka ka dhacay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kaas oo lagu Weeraray Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada ee Gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf Gaadayare.
Cabdirashiid Xasan Xaashi Taliyaha Ciidanka Birmadka ah ee Gobolka Mudug ahna Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska ee Gobolka ayaa shir Jaraa’id goor dhawayd ku qabtay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug waxaana uu sheegay in weerarkii saaka ay gaysteen Kooxda Alshabaab oo Puntland dagaalo adag ay la gashay ka sifaysay deeganao ay weerar kusoo qaadeen.
Waxaa uu dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka feejignaadaan kuwa doonaya inay dadka ku dhibaateeyaan Weerarada Argagixso.