Waxaa maanta oo Jimco ahayd shir aay albaabada u xiran yihiin ku yeeshay xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya (NISA) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Hore Cali Maxamed Geedi.
Shirka ayaa lagu lafa guray xaaladaha gurracan ee ka taagan maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan. Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa dadkii markii hore ka soo horjeeday qaabka aay wax u socdaan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu heshiis kula galay qodobadan.
1. In Cali Maxamed Geeddi uu cambaareeyo Ugaaska Xawaadle. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isuna keeno odayaal ka soo jeeda beesha Mudulood.
2. In uu ka qeyb galo shirka Jowhar kaalin mug lehna ka qaato doorashada madaxweyne.
3. In uu Cali Maxamed Geeddi qabto shir jaraa’id maalmaha soo socda isagoo ugu baaqayo in aay beesha Caalamka taageeraan shirka maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan.
Intaa kaddibna Cali Maxamed Geeddi yaa waxaa loo balan qaaday qodobadan.
1. In la siinaayo lacag dhan $200.000 dollar
2. Shati gaar ah oo isaga kaliya uu ka keeni karo Qaadka dalka Keenya. Loona furo Gaar ahaan garoonka Diyaaradaha degmada Nabar kontan Ee Gobolada Sh. Hoose.
Aqoon yahanka iyo waxgaradka Beesha Abgaal ayaa aad uga soo horjeestay heshiiskan. Ummada Soomaaliyeed waa aay ka dharagsan tahay caada qaatanimada Cali Maxamed Geeddi oo sumcad iyo sharaf badan ku dhex lahayn ummadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri nabadoon ka mid ah nabadoonada Abgaal.
Warkarka kale oo dheeraadka ah oo aan ka heleyno ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada JFS ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu magaalada Nayroobi u diray Saaxibkiis Farax Cabdulqaadir iyo Agaasimaha Madaxtootay Cali Balcad si aay beesha caalamka uga dhaadhiciyaan in aay bixiso qarashka maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan.
Beesha Caalamka ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda qaabka qallifsan ee uu Madaxweynaha ku wado maamul u sameynta labada gobol, waxaa aayna taageero buuxda beesha caalamka siiyeen