kooxda alshabaab ee ka howlgala gobalada jubbooyinka iyo gedo ayaa wajahaya duulaan culus waxaana maamulka jubba-land loo diyaariyay ciidan badan kuwaas oo loo qorsheeyay xureynta deegaano dhowr ah.
Ciidamadaani ayaa isugu jira Kenyan, Ethiopi-an iyo kuwa Milliteriga Xxmed Madoobe, waxa uuna qorshuhu yahay in Dagaal fool-ka-fool ah ay ku qaadan Saldhigyada Al-shabaab, iyadoo dagaalka ay qeyb ka noqon doonaan Diyaaradaha Dagaalka Kenya.
Xerooyinka lagu diyaarinaayo Ciidamada ayaa waxaa booqday Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Major General Mohammedesha Zeyinu kaas oo guubaabo siinaya Ciidamo isugu jira Soomaali, Kenyaan iyo Ethopian.