Ciidamada Nabad Sugida Dowladda Muqdisho iyo kuwa AMISOM ayaa xalay illaa saaka howlgallo xoogan waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.
Howlgallada ayaa la xaqiijiyay in lagu qab qabtay Tobanaan dhalinyaro ah oo lagala baxay guryahooda.
Ciidamada ayaa guryaha mid mid u galayay iyagoo baaritaanno ka sameynayay kadibna ka soo xir xirayay dhalinyarada ku sugan.
Goob Jooge ayaa sheegay in dadka la qab qabtay qaarkood la saaray gawaari shabaqlayaal ah halka kuwa kalana lagu hayo Barxado ku yaalla Xaafadda Xamar Jadiid oo howlgallada uu ka socdo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in waddooyinka xaafadaasi Xamar Jadiid lagu arkayo Waalidiin taagan oo la dhakafaarsan halka loola dhaqaaqay caruurtooda oo lagala soo baxay guryahooda.
MUURINEWS.COM–MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN