Dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ee ku nool deeganada Maamulka Puntland ayaa waxa ay la kulmayaan cadaadis kaga imaanaya Maamulka Puntland, xilli inta badan Bulshada reer Koonfur ee deeganada Puntland ku nool lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan falalka lidiga ku ah dhanka amniga ee deeganadaasi ka dhaca.
Maamulka Gobolka Nugaal ayaa shalay isugu yeeray Bulshada ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ee ku nool Magaalada Garowe, waxaana ay la qaateen kulan ku saabsan dhanka ammaanka.
Aadan Axmed Sheekh Nuur oo ka mid ah Odayaasha ka soo jeeda Koonfurta Somaliya oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay doonayaan inaan loo arkin dad ka shaqeeya falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, islamarkaana ay u baahan yihiin in laga madax banaaneysiiso eedeymaha inta badan loo tiriyo.
Wuxuu sheegay Aadan Axmed Sheekh inaysan la shaqeyn Shabaab, Shabaabna ay u arkaan cadowga Umadda Somaliyed, sidaasi awgeedna uu ka codsaday Maamulka Gobolka Nugaal in laga daayo dhibaatooyinka kala duwan ee lagu haayo Bulshada reer Koonfur ee ku nool Gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Farawayne, ayaa sheegay muhiimada inay tahay in ammaanka laga wada shaqeeya, Puntland aysan ka ganban doonin cid kasta oo falal lidiga ku ah deeganada Puntland ka shaqeynaysa.