Waxaa fashilmay qorshihii Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe looga dhigi lahaa Faarax C/qaadir waxaana soo baxaya war ku saabsan in faarax uu xilkaasi ka tanaasulay.
Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalana saaxiib dhow la ah MD, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billihii ugu dambeeyay xusul-duub ugu jiray, sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka Goboladaasi.
Ka dib muddo billo ah oo ay cakirneyd sidii lagu soo dhisi lahaa Maamulka loo wado in loo dhiso Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, ayaa waxaa la leeyahay waxay keentay inuu Faarax Sheekh C/qaadir ka tanaasulo damaciisii.
Siyaasiyiin Xog ogaal ah ayaa sheegay Faarax Sheekh C/qaadir in uu gacan ka taagay xilkaasi, isla-markaana uu Madaxweynaha Somaliya ku wargeliyay inuu ka tanaasulay yoolkiisii ku aadanaa Goboladaasi.
MD Xasan Sheekh , ayaa wuxuu hadda qorsheynayaa in Gudoomiyaha Jaamacadda Simad, Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) uu ku bedelo booska Faarax Sheekh C/qaadir. Daahir Carab waa nin ku dhow Hogaamiyaha Wadanka.
Haddii MD Xasan Sheekh uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada ee sanadkan lagu wado inay dalka ka qabsoomto, ayaa waxaa Faarax Sheekh lagu soo dari doonnaa Golaha Wasiirada.