Abaartii ugu darneyd Mudooyinkaan ayaa ku habsatay deegaano dhulka Soomaalida ka tirsan waxaana ugu daran deegaanada maamulka Somaliland oo ilaa hada aan la gaarsiin gurmad ku filan.
Abaaro taasi lamid ah ayaa waxa ay iyana ka taagan tahay deegaano dhowr ah oo hoostaga maamulka Puntland taasi oo ay ku la’ deen dad iyo duunyaba.
Dadka ay abaaruhu saameeyen ayaa badankooda ka cabanaaya Biyo la’aan baahsan, halka ay taasi usii dheertahay cuno la’aan ka dhalatay abaarta.