Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Madaafiic caawa lagu garaacay Degmada Xamar jajab Ee Magaalada Muqdisho.
Qof goob jooge ah oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Ayaa waxaa uu sheegaya in tiro ku dhow ilaa laba qof ay ku dhinteen 5 ruux ay ku dhaawacmeen Madaafiicda.
Dadka Waxyeelada ka soo gaartay qaarkood ayaa la soo sheegayaa in ay hada ku dhiig baxayaan wadoyinka Magaalada gaar ahaan Goobta Madaafiicda lagu garaacay.