Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay Cadaalad darada iyo qabyaalada ka dhax jirta Maamulka Gobolka Banaadir uu Gudoomiyaha ka Yahay Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in Maamulka Gobolka Banaadir uu u egyahay maamul uu leeyahay hal qabiil, waxa uuna tilmaamay xafiis walbo iyo meelaha muhiimka ah ee maamulka Gobolka Banaadir in ay wada joogaan kana shaqeeyaan dad hal beel u badan.
”Qaab loo raaco ay ku dhisan tahay Maamuka Gobolka Banaadir lama yaqaan, Deegaanka kuma dhisna , tiro dad kuma dhisna, tayo warkeeda haba sheegin, sheekada waa ninkaad rabto afka u buuxi kii aadan rabina ka daadi, xaalka waxa uu marayaa nin walbo qabiilkaaga wax baad u qabatay ha lagu yiraahdo ee boosas kasii maamulka intaad joogto” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in Maamulka gobolka Banaadir ay ka jirto cadaalad daro iyo qabyaalad, waxa uuna tilmaamay in dad dhan oo degan magaalada kana dhax muuqda in booskii ay ku lahaayeen laga qaday hadana dad kale oo xilal horey u heestay la siiyay.
”Cadaalad daradii maamulka gobolka Banaadir waa kasii dartay, beel Soomaaliyeed oo hal qof kaliya ku laheed maamulka gobolka hadana laga qaaday lana keensaday mid kale oo Madaxda maamulka ku beel ah, sida ka dhacday Degmada Xamar Jajab ”Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Maamulka Gobolka dhibaatada ka jirta ay tahay in maalin kasta dad si hoose xilka looga qaado kuwa ku beel ahna madaxda maamulka lagu badalo lana arko kaliya iyda oo Idaacada laga sheegay .
”Hadii la yiraahdo hala soo banaanbaxo, hadii la yiraahdo iskaa wax u qabso, hadii la yiraahdo canshuur ayaa la iska uruurinayaa, umadda ugu badan, ayaa hal qof oo ay ku lahaayeen degmada Xamar Jajab laga casilay, marka taa macneheedu maxay tahay?, arrinkaana waxaa sameeyay ayuu yiri, maamulka Banaadir, ama haloo hoos galiyo ama ha u bareero”
Hadalka Xildhibaan Dalxa ayaa imaanaya xili ay korortay Cadaalada darada ka jirta Maamulka Gobolka Banaadir una qaab ekaaday maamulka mid qabiil, waxaana maamulada Degmooyinka, Agaasimayaasha iyo shaqooyinka ugu hooseeya ee Maamulka gobolka Banaadir 100%80 la siiyay mid kamid ah beelaha dega Gobolka Banaadir.