Wararka Ka Imaanaya Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya In Halkaasi Siyaabooyin kala duwan loogu dilay Askar Ka tirsan Maamulka K/Galbeed.
Dilka Koowaa ayaa waxaa uu ka dhacay Bartamaha Suuqa Degmada Afgooye Halkaas oo kooxo Bistoolado ku hubeysan ay Dil u geysteen Mid kamid ah Ciidamada Suuqa Ka qaada Lacagta Canuushrta.
waxaana la xaqiijiyey in ragii dilka geestay ay si nabad ah uga baxsadeen,Meydka askariga ayaa saacado goobta yaala waxaana kadib qaaday Askar kale oo katirsan Maamulka Afgooye.
Sidoo kale Bam gacmeed ayaa Maleshiyo Shabaab katirsan Waxaa ay ku weerareen Boosteejada Baabuurta Aada Toratorow waxaana la shegayaa In Bam gacmeedkaas uu ka dhashay qasaaro dhimasho & Dhaawac leh.
inta la xaqiijiyey 3 askri ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi waxaana ay ciidamadu bilaabeen Baaritaan Xoogan oo lagu baadi goobay ragii weerarka ka danbeeyay.
Wixii Ku Soo Kordha Halkan Kala Soco Insha Allah
MUURINEWS .COM–AFGOOYE
XULKA WARARKA OO DHAN