Waxaa lagu wadaa in maanta galinka dambe magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shir xasaasi ah oo looga hadlayo Arrimaha Geedi socodka doorashada Soomaaliya waxaana shirkaas kawada qayb galaya Madaxda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.
Saacdaha soo socda ayaa la filaytaa in Muqdisho ay garaan Madaxwaynayaasha Puntland, Koonfur galbeed Jubbaland,
Shabakada Muurinews.com ayaa helayo sedaxda qodob ee looga hadli doono shirka Muqdisho:
1:- In Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya isla qaataan qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
2:- Arrimaha heshiiskii garoowe ay kuwada Saxiixdeen puntland & dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
3:- Go’aan ka gaarista halka ay ka dhacayso Doorashada baarlamaanka iyo Madaxwaynaha, iyadoo laga fakarayo amniga, waana qodobka ugu xasaasisan.
Madaxda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in ay warmurtiyeed kasoo saraan gabogabada Shirka arrimaha doorashada looga hadlayo.