Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore Maqaayad lagu magacaabo Rajo oo kutaala Xaafada Maana Boolyo ee Degmada Shibis,
dad Goobjooge ahaa ayaa noo sheegay in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafaka hore ee Maqaayada Rajo oo la sheegay in ay ka cunteenayeen Ciidamo iyo waliba dad shacab ah.
Wali lama oga qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxa goordhaw ka dhacay Maqaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Gurmadka deg dega ah.
LASOCO WARKAAN WIXII KASOO KORDHA INSHA’ALLAH