Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada afgoye kaasoo ahaa bam bada gacanta laga tuuro waxaana lagu weeraray xaruun korontada siisa magaaladaasi Afgoye.
Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo cayimin.
Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi ayaa ka baxsaday goobta, waxaana meesha soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dubaba bilaabay howlgallo lagu baadi goobayay raggaasi.
Ila iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose oo ku aadan Qaraxaasi.
Qaraxaasi marka uu dhacay kadib ayaa waxaa gabi ahaan damay korontada qeybo ka mid ah degmadaasi maadaama qarax lala eegtay mid ka mid ah matoorada debka dhaliya.