Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si wayn uso dhoweeyay heshiiskii magalaada Garowe ku gaareen Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,ka dib shir ay Golaha Xukuumada Koonfur Galbeed ku yeeshen Baydhabo.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xassan Cabdi Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa bogaadiyay dadaalkii Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo beesha caalamka.
waxaan soo dhoweynaynaa oo waliba aan ku amaanaynaa go’aanka quruxda badan ee ay qaadatay Puntland ee ah in Soomaaliya ay u baahan tahay in isbadal deg deg ah la helo’’Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.