Xildhibaanada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Magaalada Muqdisho uga Furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaas oo ah kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maanta Xildhibaanada ay u diyaar garoobayaan Furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamanka oo furmaya Maanta oo Axad ah.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sidoo kale Xildhibaanada ugu baaqay in ay ka taxadaraan Amnigooda islamarkaana ay Feejignaan galaan,waxaana uu Alle uga baryay in Xildhibaanadii la dilay uu Allah u naxariisto.
Kalfadhiga Baarlamaanka ee maanta Furmaya oo ah kii ugu dambeeyay ayaa waxaa Golaha Horyaalla Shaqooyin badan oo la doonayo in ay Meelmariyaan inta lagu guda jiro Kalfadhigaan.