Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia laga dareemayaa ololo hoose oo iska soo horjeeda kuwaasi oo ay kala wataan Madaxweynaha iminka haya talada dalka Xassan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Labada Musharax ayaa midkiiba waxaa daba socda Musharaxiin kale oo uu ujeedku yahay haddii isaga uu kusoo bixi waayo in saaxiibkii uu doorashada kusoo baxo.
Damul-Jadiid ayaa wadata ilaa 2 musharax oo u taagan qabashada xilka Qaran, halka Kooxda Aalla Sheekh ay wadato ilaa 4 musharax oo midba midka kale uu kamiisaan badan yahay, sida aan ku helnay xogta.
Labada koox ayaa waxaa kala wata Dowlado dano Siyaasadeed ka leh dalka Somalia kuwaasi oo gacanta ku haya Siyaasada Somalia.
IMISA DOWLADOOD AYAA WADATA XASSAN SHEEKH
Madaxweyne Xassan Sheekh oo iminka wakhtigiisu gabaabsi yahay ayaa waxaa wata Dowlado u badan Carbaha waxaana kamid ah:
Qadar, Kuwait, Sacuudiga, Ethiopia, Sudan, Britain iyo Talyaaniga.
IMISA DOWLADOOD AYAA WADATA SHEEKH SHARIIF
Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed waxa uu ololaha Doorasho ee Somalia bilaabay muddo laba sano ka hor waxaana garbihiisa yaacaya dowlado farabadan oo iminka xarumo ku dhex leh Somalia kuwaasi oo sababtooda uu isaga leeyahay waxaana kamid ah:
Mareykanka, Britain, Japan, Turkiga, Dubai, Eritrea, Ugandha.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan kala taageersan labadaani musharax, waxaadna moodaa in Musharaxiinta kale ay yihiin kuwo raacda-reeb ah.
Ma cadda cida ku guuleysan doonta Doorashada Somalia, waxaase la filayaa inuu guuleysan doono cida ay ku riyaaqsan yihiin caalamka.