Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya Booliiska gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in guri ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda ah ay kasoo qabteen 15 nin oo Alshabaab ah kuwaas oo wata dirayskoodii iyo Booshash rasaas ah, sidoo kale Booliisku waxay sheegeen inay gurigii la wareegeen maadaama horay Puntland ay digniin uga soo saartay in gurigii Alshabaab lagu qabto ay la wareegi doonaan.
C/raxmaan Abshir Faarax(Qaan-qaan) Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal oo fadhigiisu Garowe yahay ayaa warbaahinta u sheegay in Ammaanku uu wanaagsan, Ciidamada Ammaanku har iyo habeenba u taagan yihiin sugidda ammaanka ayna raggaas gacanta ku soo dhigeen waloow uusan faah faahin ka bixin.