War hada kusoo dhacay Warqabadka Muurinews ee Muqdisho waxaa lasoo gaba-gabeeyay shirka Madaxda Soomaalida kaga socday Madaxtooyada Soomaaliya waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aweys ayaa Saxaafadda u akhriyay Warmurtiyeedka laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaha Dowlad Goboledyada ka socday ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Puntland ku dhexmaray Magaalada Garowe, heshiikaasi oo Puntland lagu qanciyay in Doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5 inay ogolaadaan.
Madasha Hogaanka Qaran ayaa la isla gartay inaan mudada loo kordhin doonin mudada Xil haynta Golaha shacabka iyo Madaxda Dowladda Federalka Somaliya.