Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa mar uu maanta warbaahinta u sheegayey go’aamo dhinaca Ammaanka la xiriira oo dowladdu soo saartay wuxuu sheegay in dagaalkii Alshabaab ay Puntland la gashay wixii ka dambeeyay, Alshabaab ay gudaha Puntland siyaabo kala duwan u soo galiyeen dad shacab loo ekaysiiyey oo loo diyaariyey inay weeraro qorshaysan gudaha Puntland ka fuliyaan.
Amarada cusub ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in dadka ku sugan deegaanada Puntland iney heystaan kaarar aqoonsi oo Puntland laga wada yaqaan kaasi oo uu sheegay inuu sahlayo in la ogaado dadka amni darada geysanaya.
Dhamaad dadka shaqeynaya iyo dadka ku sugan deegaanada Puntland ayuu sheegay iney muhiim tahay iney qaataan cadeymaha muujinaya inuu iska diiwaan geliyay wasaarada amniga iyo arimaha gudaha ee Puntland.
Dadka kireeya guryaha magaalooyinka Puntland ayuu sidoo kale digniin u jeediyay isagoo sheegay ineysan ka kireyn karin guryahooda dad aan la aqoonin.