Faah faahin dheeraad ah ayaa kaga helayaa ciidan aad u badan oo saaka lagu soo daadiyay wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho kuwaas oo xeray wadooyinka waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka caasimada maadaama maanta loo dabaal dagayo 12-ka abriil maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Laamiga Maka Al-Mukarama ilaa laamiga Warshadaha ayaa saakay xiran, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhoobay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.
Wadooyinka xiran ayaa gabi ahaan loo diidayaa in ay isticmaalaan gaadiidka kala duwan ee dadweynaha marka laga reebo gaadiidka ciidanka, waxaa sidoo kale wadooyinka qaarkood xitaa loo diidayaa in dadka shacabka ah ku lugeeyaan.
Xarumo badan oo Waxbarasho sida Jaamacado iyo Iskuul ayaa maanta la fasaxay sababo la xariira wadooyinka loo xiray Dabaal dega, waxaana maanta aad u yar isku socodka dadka qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiyada Warshadaha iyo Sodonka.
Munaasabada lagu xusayo aas aaska ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana la filayaa in Munaasbada ka qeb galaan Madaxda sare dalka.