War degdeg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho caawa ay ku geeriyootay fanaanad caan ah oo dalka iyo dibada laga yaqaan.
Allaha u naxariistee Fanaanada geeriyootay ayaa lagu magacaabaa Marwo Cabdi Axmed oo kamid aheyd fanaaniinta hobalada qaranka ee Waaber.
Maxamed Xasan Barow Agaasimaha fanaaniinta Waaberi ayaa sheegay in fanaanada ay caafimaad qabtay maalmalahan isla markaana mar qura xanuun uu ku soo booday ugu dambeyntiina caawa maqrabadii ay ku geeriyootay gurigeeda ee magaalada Muqdisho.
Marxuumad Marwo Cabdi Axmed, ayaa kooxda fanka ee Waaberi kamid aheyd tan iyo 1980 meeyadii iyadoo qeyb ka aheyd jiliyaashii ruwaayadii caanka aheyd ee “Waa maadeys aduunyadu dadkuna waa ay matalayaan”.