Kooxda Al Shabaab ayaa mar kale soo bandhigay hub iyo Rasaas aas aad u fara badan oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaalkii ay ciidamada Kenya kula galeen xero ku taalay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo .
Al Shabaab oo maalmahaan dambe muuqaalo badan iyo Sawiro ku saabsan dagaalkii Ceel Cadde soo bandhigeysay ayaa inta badan waxaa laga xiray goobo qaas ah oo ay leeyihiin sida Youtub-ka iyo barar kale oo ay aad u isticmaalaan .
Hubkaan Al Shabaab soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqdo Hoobiyeyaal iyo Rasaasta nuucyadeeda kala duwan iyo gawaari Tikniko ah oo ay caan ku yihiin ciidamada milatariga dalka Kenya gaar ahaan kuwo ku calaamadeysan astaanta Midawga Africa ee (AU) .