Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax goordhaw ka dhacay garoon kubbada cagta lagu ciyaaro xili ay halkaasi lagu qorayay ciidan magaalada cadan ee dalka yemen.
Wararku waxay sheegayaan in qofka is qarxiyay uu bartilmaameystay dhalinyaro saf ugu jiray in loo qoro militryga dalkaas.
Illaa 8 ruux ayaa ku dhaawacmay 4-kalana waa ay ku dhinteyn qaraxaas sida laga soo xigtay hawlwadeenada caafimaadka magaalada Caden.
Weerarkaan waxaa uu yimid maalin kadib markii dhinayacyada dalka Yemen ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah oo Q,M gar wadeen tahay.