Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish gaar ahaan kuwooda ka dagaalama gudaha dalka Siiriya ayaa waxa ay soo bandhigeen muuqaal argagax leh , ka dib markii ay nin dhalinyaro ah oo Maxbuus u ahaa dusha sare ka marsiiyeen Kaare ama Taangi .
Maxbuuskaan oo loo soo xiray dhar gaduudan ayaa la is taajiyay wado dhexdeeda waxaana la jiirsiiyay oo la dardarsiiyay Kaare ama Taagi kaas oo isku dayay in uu naftiisa kala baxsado balse wuxuu ka xirnaa gacmaha iyo Lugaha .
Kooxda Daacish ayaa horay u soo bandhigtay dilal ay fuliyeen oo aad looga argagaxay waxaana ka mid ahaa dad nolasha lagu gubay iyo Caruur aad u yar yar oo tooganaya maxaabiis kala duwan , taasi oo caro weyn galisay dhamaan hay´adaha u dooda xuquuqda aadanaha .