Suldaanka Guud ee Beesha Biimal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji, ayaa sheegay in ka Suldaan ahaan aad ugu qanacsanyahay war-murtiyeedkii Maanta laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga ee Doorashooyinka 2016 oo magaalada Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 10-ka ilaa 12-ka bishan April ee sannadka 2016.
Suldaanka Guud ee Beesha Biimal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji,oo la hadlay Warbaahinta Muurinews.com ayaa sheegay in shirkani uu ahaa mid waxbadan ka duwan shirarkii hore, islamarkaana aad ugu qanacsan yahay waxyaabihii la’isla gartay.
Waxa uu sheegay Suldaan Ibraahim Cali Xaaji,in Maamul gobaleeyda dalka ka jira ay muhiim ahayd sida looga qeyb galiyay shirkaasni, islamarkaana ay muuqatay in la wada doonayo Soomaaliya in horay loo sii dhaqaajiyo.
Annaga hadii aynu nahay Wax garadka Gobolka Shabellaha hoose waxaan soo dhaweynay wax walba oo shirkaasi la’isku afgartay, midda kale annaga waxaan diyaar u nahay inaan kaalin ka qaadanno si walba oo Soomaaliya lagu hormarin karo” ayuu yiri Suldaan Ibraahim Cali Xaaji.
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Madasha wadatashiga ee Doorashooyinka 2016, waxaana shirkaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhoor qodobo.