Sida ay noo sheegeen ilo wareed lagu kalsoon yahay Waxaa xafiiska RW Sharma’arke taala Warqad Wareegta ah oo lagu magacaabayo Wasiir cusub ee ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Ee Dowlada Xasan Sheikh.
Wareegtada ayaa lagu Magacaabayaa Wasiirka Boostada & Isgaadhsiinta iyadoo loo magacaabi rabo Geele Jaamac Mursal oo ah Shaqsi si aad ah ay isugu dhaw yihiin Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe .
Geele ayaa ahaa Xubin mudooyinkii danbe Jubbaland ugu xil saarnaa arimaha dhanka IGAD intii uu Xilka IGAD hayeyna lagu xasuusto in uu si dhaw ula shaqeeyey Saraakiisha Ethiopia & Kenya ee Hormuudka u yaha Gabre.
Wasiirka Cusub Ee Hada Wareegtada Lagu Magacaabi Rabo Ee Geelle Mursal ayaa bilihii u danbeeyey daganaa Safaarada Ethiopia ee ku taala Muqdisho Gaar ahaan Villa Somalia oo ah meesha qaybta wayn ku leh Magacabidiisa.
HOOS KA DAAWO SAWIRKA WASIIRKA CUSUB
MUURINEWS.COM–MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN