Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay magaalada Marka ee xaruunta gobalka Shabeelaha hoose kaasoo u dhaxeeyay Maleeshiyada magaca dowlada wata oo gabarsiinaya Mooryaanta Habar gidir iyo Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal.
Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in uu mudo saacado ah halkaa ka socday iyadoona weli lamaqlayo dhawaqa rasaasta wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro Qasaaro dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dagaalkaasi.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Mooryaanta Habar gidir maanta ay gubeen Garaashka ku yaala Xaafada Horseed, Ee Isla magaalada Marka.
Dabka ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro xoogan waxaana gebi ahaanba ku bas beelay goobta garaashka ah hanti u badneyd gaadiid kala nooc ah iyo Matooro debka dhaliya & agab kale.