Madax ka socotay Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta wacdaro ka dhigay Xabsiga dhaxe ee xamar.
Wasiiru dowlaha Arimaha gudaha oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee gobalka Banaadir iyo taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa maanta kormeeray qeybaha kala duwan ee xabsiga iyagoo intaas kadib la qadeeyay maxaabiista.
Taliyaha Ciidanka asluubta Bashiir Maxmaed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada ay mas’uuliyiintaasi ku tageen xabsiga, isgoo balan qaaday in wax walbo uu xaq u leeyahay maxbuuska ay xil iska saarayaan.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Guddaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaaliyeed Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig.ayaa dhalinyaradda ku xirin xabsiga dhaxe Xamar ugu baaqay in ay u hogaasamaan sharciga, dalka.
Majaajiliistaha Habbi Qaliif ayaa maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe u jilay sheekooyin qosol badan oo ay aad ugu riyaaqeen.