Waxaa laga deyrinayaa xaalada qoysas dhowr ah oo kasoo jeeda dalka Hindia, kuwaasi oo sariir la saaran kuleylka jira aawgii.
Kuleylka ka jira dalka Hindiya ayaa waxaa hadda u geeriyooday in ka badan 150-ruux, halka tiro intaa kasii badana ay sariir u saaran yihiin xanuuno iyo jahwareer ka qabsaday kuleylka jira.
Kuleylka intiisa badan ayaa waxa ay saameyn ba’an ku yeelatay dadka ku dhaqan magaalada Hyderabad, oo ku taal gobolka Telangana, waxaana cabirka kuleylaha uu gaaray 45-grader oo kuleyl ah.
Dadka qaar ayaan aadin shaqooyinkooda, halka dadka qaarna ay fasax galeen tan iyo markii uu bilowday kuleylka.
Kuleylka ayaa saameyn ku yeeshay laamiyada qaar oo iyagu dhalaalay.