46-xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlanaka Soomaaliya ayaa maanta mooshon ka keenay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, mooshin kaa soo ku aaddan in dib loo dhigo shirka ka socda Jowhar.
Soo jeedinta mudanayaashan ka dib ayaa waxaa laysla gartay in loo muddeeyo xilli kale maaddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.
Guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay xildhibaannadii soo gudbiyay mooshinkan in kulanka ugu horreeya ee ay baarlamanka yeelan doonaan looga hadli doono arrintan ku aaddan dib u dhigista shirka ka socda Jowhar.
Shirka oo 12 Janaayo ee sanadkan ka billowday magaalada Jowhar,ayaa haatan maraya meel wenaagsan markii ay dowladda federaalka dadaal xooggan u gashay isu keenidda dhammaan cuqaasha iyo wax garadka labada gobol.
Dhanka kale,kulankii xildhibaannada ee maanta ay ku yeesheen xaruntooda,ayay ku meel mariyeen heshiiska wada shaqaynta caafimaadka oo horay ay u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga,
Heshiiskan u dhexeeya labadan dowladoow ayaa ah mid faa’iido ballaaran u noqon doona shucuubta labada dhinac iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.