Ciidanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilal argagax leh oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada gaalkacyo waxaana meydadka dadka la dilay oo kasoo kala jeeda itoobiya iyo Soomaalida koonfurta laga helay wadooyinka magaaladaasi iyagoo si xun loo dilay.
Labada ruux ee dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/laahi Xaaji iyo Cabdi Wahaab, waxaana ay ka shaqeynaayeen Hotelka Uunlaaye ee ku yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Hotel Uunlaaye 31-kii Bishii March maalin Khamiis ah waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiisa haligay, Qaraxaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.
Habeenkii Sabtida Isbuucii aynu soo dhaafnay ayaa labadan nin lagala baxay Hotelka Uunlaaye oo ay ka shaqeynaayen sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Hotelka, waxaana la baxay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye ayaa sheegay in raggaan laga kaxeystay Hotelka ayna wateen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, isaga oo sheegay durbadiiba arintaasi inuu ku wargeliyay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, si arintaasi wax looga qabto.
Iyadoo arinta sidaasi ay tahay ayuu sheegay maamulaha Hotelka Uunlaaye in loo soo sheegay maalmo kadib meydka labada ruux ee Hotelka lagala baxay oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, kadib markii meydkooda laga soo qaaday deegaanka Gobsho halkaasi oo lagu dilay.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay inaysan garan karin sababta iyo cida dishay ragaasi.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO NAXDIN LEH
MUURINEWS.COM–Gaalkacayo
XULKA WARARKA OO DHAN