Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa gabdho walaalo ahaa oo saaka kooxo hubeysan ay ku weerareyn degmada dharkenley ee gobalka Banaadir xili ay saarnaayeen mooto bajaaj-ka waxaana la toogtay mid ka mid ah gabdhahaasi iyadoo mida kale uusoo gaaray dhaawac.
Labad Gabdhood ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Fawziyo Jamaal & Shankaroon Jamaal waxaana goobta ku geeriyootay Fowziyo Jamaal iyadoo dhaawac uu soo gaaray Shankaroon Jamaal & Wadihii Mooto Bajaaj ka.
Intee kadib ayaa dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in debleydii falkaas geesatay ay goobta ka baxsadeen iyagoo watay Mooto Dhug dhugleey Ama Feesbo hadba sidii lo yaaqaano.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar xalane oo lahadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in gebdhah la weeraray ay ahaayeen arday wax shaqo ahna aysan ka heyn Hay’adaha Dowlada.