Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo helay macluumaad la xiriira ninkaasi, ayaa waxay ka soo qabteen guri ku yaala Degmada Heliwaa Ee Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho, saacadihii ugu dambeeyay ee Axadii.
Ciidamada Nabad Suggida, ayaa waxay gudaha u galeen gurigaasi oo ku yaala xaafadda Suuqa Xoolaha, waxayna ka soo qabteen ninkaasi oo lagu sheegay inuu yahay horjooge ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ninkan, ayaa waxaa lala soo qabtay bistoolad, rasaas, agabyo laga sameeyo walxaha qarxa iyo Computer-ka nooca gacanta lagu qaato ee Laptop-ka, kaasoo la tuhunsan yahay in loo adeegsan rabay qarax.
Xoogaga Nabad Suggida, ayaa waxay ninkaasi ku soo kaxeysteen gaari nooca dagaalka ah, iyagoona ula dhaqaaqay xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Telefishinka Muqdisho (SNTV) oo lagu soo bandhigay qaabka ay laamaha ammaanku u soo qabteen ninkaasi, ayaan macluumaad badan laga bixin waxa ay darajadiisu tahay, marka laga soo taggo inuu yahay horjooge Shabaab ah.
Dhanka kale hawlgalo amni xaqiijin ah oo hay’adaha amnigu ka sameeyeen qaybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid & Heliwaa, ayaa waxay ku soo qab qabteen boqolaal dhalinyaro ah, inkastoo ay intoodu badan dib u sii daayeen, marka laga soo taggo tiro yar oo la tuhunsan yahay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa waxaa uu dadka reer Muqdisho kaga digay inay guryahoodu ku qariyeen xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, cidii lagu qabtaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
MUURINEWWS.COM——-MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN