Masuuliyiin ka socotay Dowladda hoose ee Istanbul oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa u kuurgalay wadada Sodonka oo ah wado muhiim u ah dalka, islamarkaana hada uu ka muuqdo Bur bur xoogan.
Ka hor inta aysan tagi wadada Sodonka waxa ay kulan la qaateen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno kale oo Gobolka ka tirsan.
Xubnahan ka socday Dowladda hoose ee Istanbul ayaa tagay wadada sodonka oo dhawaan uu ka bilaaban doono dhismo, waxaana halkaasi ay ku sameeyeen qiimeyn ku aadan dhismaha wadada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Dowladda hoose ee Istanbul inay ka dhabeyso balan qaadkii ku aadanaa dhismaha wadada 30-ka.
Wuxuu sheegay tani inay qayb ka tahay iskaashiga dhanka horumarka ah ee ka dhaxeeya Istanbul iyo Muqdisho, islamarkaana aad ay u soo dhaweynayaan.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dhawaan uu bilaaban doono dhismaha wadadan, si shacabka Somaliyed ay uga faa’iideystaan.
Dhismooyin kala duwan ayaa lagu sameeyay qaar ka tirsan wadooyinka ku yaal Magaalada muqdisho.