Qarax xoogan oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu goordho ka dhacay Magaalada caasimada afganistaan ee kaabul.
Waxa qaraxa loo adeegsaday Gaari waxyaabo qarxa ka buuxeen iyadoo weerarka ay sheegteen Kooxda Daalibaan.
Wariyeyaasha Kabul jooga ayaa soo tebinaya sawiro qiic hawada ku jira iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo isa soo taraya.
Warar hoose oo la helayo waxay sheegayaan in la isku miidaamiyey meel ku dhaw Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Afgaanistaan oo ku taalla Caasimada Kabul sida ay boolisku sheegeen.
Wariyaha Telefishinka Al Jazeera uga soo waramaya Kabul Qais Azimy ayaa sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayey ku beegneyd wakhti meesha dad badan ku mashquulsanaayeen howl maalmeedkooda.
MUURINEWS.COM–—MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN