Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qoys deganaa inta u dhexeysa Degaanada Golweyn iyo Shalaanbood gaar ahaan degaan la yiraado Dudumo halkaasi lagu laayay.
Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa 5 Ruux oo isku Qoys ahaa,iyo Ayeeyadood ama abootadood oo waayeel ahaa waxaana Dilkaasi uu dhacay Xalay Fiidkii hore.
Falkan naxdinta leh oo ay geysteen kooxo ka amar qaata nin asigu sheegta inuu yahay Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood oo lagu magacaabo Nuur Jiidow iyo kooxdiisa.
Koodan ayaa dilay shanta Caruur oo midka ugu weyn uu ku jira Todoba sano halka kan ugu yar uu yaha afara bilood cunug dhalan.
Waxaan helnay Magacyada Caruurta la dilay & Ayeeyadood
Ayeeyo: Khadiija Maxamed Somow, 80 jir ah.
Nuur Cabdi Ismaan danow (ina Colneyl uguji) 3 jir ah.
Naciima C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal
Farxiya c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal
Axmed c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal
Muzamil C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal
Mulki C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal
Goobta dilka uu ka dhacaayo waxa si dirqi ah kaga baxsatay Hooyada dhashay Caruurta oo lagu magacaabo Xaliimo Cismaan Danow oo halkaasi ku weysay shan Caruur ah & Hooyadeed.
Inaalilaah wa inaa ileyhi Raajicuun
MUURINEWS.COM — MARKA
XULKA WARARKA OO DHAN