Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa qarax lagula eektay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad, shacab ah.
Waxaana ka dhashay qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hal qof ayaa ku dhintay qaraxa halka labo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka dhowaa.
Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in goobta uu qaraxa ka dhacay ay xilligaas aheyd mid dad fara badan ay ku sugnaayeen.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa in dad shacab ah lala eekto qarax, iyadoo wali aysan jirin mas’uuliyada qaraxaasi cid sheegatay.
Taliyaha nabadsugida degmada Marka wali muusan ka hadlin dhacdadan, iyadoo maalmihii udambeeyay magaalada Marko lagu gubay garaashyo.