Waa Muuqaal xanuun leh waa muuqaal aad ku damqin doona Sheikh caan ah oo gacanta ku haya Masjid ku yaala magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay hooyadiis aheyd Ayeeyadii nolosha lagu gubay iyo lixdii caruurta ahaa gobalka shabeelaha hoose waxaana uu xaqiijiyay in caruurta inta ugu badan uu abti u ahaa mid ka mid ahna uu adeer u ahaa.
Sheekh Cabdilaahi Cusmaan Cumar oo dagan magaalada hargeysa ayaa ka sheekeyay qaabka hooyadiis oo waayeel 70-jir indhaha la’ iyo caruurta aan waxba galabsan nolosha loogu gubay waxaana sidoo kale uu caddeyay qabiilka ka dambeeyay dilkaasi iyo halka laga soo abaabulay.