inta la xaqiijiyey 6 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii iska hor imaad hubeysan uu dhax maray Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland & Debley hubeysan.
Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanka lagu Magacaabo Baanka-Qolcadeey oo qayaastii 40 KM dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Hargeysa.
Dagaalka ayaa bilaamay Kadib markii ay goobta gaareen Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada xoolaha C/laahi Maxamed Cukuse.
Wafdiga ayaa Horu dhac u ahaa Mashruuc Maamulka Somaliland ay ka hirgelineyso Deegaankaasi kaas oo ah sameynta seyrar ka caagan daaqa.