Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Afloow ayaa sheegay in Ciidanka Nabad Sugidda ay Howlgalo Qorsheysan ka fuliyeen Degaan lagu Magacaabo Raydable oo 25 KM u jira Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay islamarkaana ay halkaa ku diyaarinayeen Rag ka tirsan Shabaab Qaraxyo si Shacabka Koofur Galeeb loo dhibaateeyo.
aliyaha ayaa Tilmaamay inuu Dagaal dhex maray Ciidanka Nabad Sugidda Koofur Galbeed ee Weerarka qaaday iyo Raggii ka tirsanaa Shabaab oo Tiro ahaan ka koobnaa 9 Ruux.
Maxamed Isxaaq Afloow ayaa Xusay in 6 ka mid ah Shabaabkii halkaa ku sugnaa ay is Qarxiyeen ka dib markii ay Rasaastii ka dhamaatay,waxaana uu xusay in Saddex kale oo Shabaab ah ay Nololsha ku qabteen.
Hayeeshee ma jirto Warar madax banaan oo xaqiijinaya Hadalka Taliyaha Nabad Sugidda Koofur Galbeed ee ku aadan i hal Goob ay isku Qarxiyeen 6 kamid ah Shabaab Degaanka Raydable ku sugnaa.