Waxaa lasoo bandhigay Meydadka qaar ka mid ah Lixdii nin ee isku qarxiyay gobalka Baay kadib markii Ciidanka Koonfur galbeed ay ka war heleyn ragaasi oo rabay in ay isku qarxiyaan magaalada Baydhabo.
Kooxdii Al-Shabaab ee Diyaarinayey Qaraxyada ayaa diiday inay is dhiibaan iyagoona Dagaal kala hortegay Ciidamada, balse markii ay rasaasta ka dhimaatay is qarxiyey.
Waxa Goobta isku Qarxiyey 6 Ruux iyadoona gacanta lagu dhigay 3 kale oo ahaa Amiiro sida uu Sheegay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ee Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow)